Home | News | Diyaarad Nooca Dagaalka ah oo Maanta lagu arkay Hawada Magaalada Kismaayo.

Diyaarad Nooca Dagaalka ah oo Maanta lagu arkay Hawada Magaalada Kismaayo.

Font size: Decrease font Enlarge font
image maqaal.com

Talaado, Tuesday, March 09, 2010 (Maqaal.com) - Waxaa Maanta gelinkii danbe lagu arkay Hawada Magaalada kismaayo Diyaarad Nooca Dagaalka oo ku dulwareegeysay hawada magaalada kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
 
Diyaaradan oo aan la garanayn halka ay kasoo duusha iyo weliba ujeedada rasmiga ah ee ay leedahay ayaa galabta lagu arkayay hawada magaalada kismaayo iyada oo ay diyaaradaasi ku dulwareegeysay daafaha magaalada, waxaana Ciidamada Maamulka Xarakada alshabaab ee ka arimiya magaalada kismaayo ay ku rideen hubka lidka diyaaradaha.
 
Shacabka ku dhaqan magaalada kismaayo ayaa waxa ay cabsi ka muujiyeen diyaaradani oo ah nooca dagaalka wallow aysan jirin wax dhibaato ah oo ay geysatay diyaarada.
 
Sikastaba ha ahaatee diyaaradani maanta lagu arkay hawada sare ee magaalada kismaayo ayaa ku soo beegmeysa xilli maalmahan si weyn looga  hadal hayay koonfurta wadanka Soomaaliya  duqeymo ay sheegtay dowlada Mareykanku in ay ka geysan doonto qaar kamid ah goobaha ay gacanta ku hayaan Ururrada Islaamiga ah ee Xarakada Alshabaab iyo Xizbul Islaam.


Xasan Nuur,

Comments (1 posted):

ali on 09 March, 2010 08:23:37
avatar
asc galo ayaan ladagalaneynaa shabab iyo xisbi shaydhan waa lagu yaqaan in mark ay gaalo timaado inay dabad faytaan.marka ay somali arkaan oo masaakin ah gaalad ayaa ladagalameyna yam lawen herdabafyt? kkkkkkkkkkkkkkkkkk

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0