Sixiroole Somaliyeed oo jiniyo u kaashada dhoofinta dadka tahriibaya
Nin dhalinyaro ah oo degan magaalada Hargeysa ayaa ku andacoonaya inuu dibada u dhoofiyay dhalinyaro Soomaaliyeed,isagoo kaashanaya Jinniyo wata Diyaarado, 1-saac kuu duulinaya wadamada Reer Yurub iyo qaarada Ameerika.
Xiriir qadka isgaarsiinta oo ay Shabakada Maqaal.Com la sameysay dad degan magaalada Hargeysa ayaa noo xaqiiyay in Wiilkan Sixroolaha ah lagu magacaabo (Dacaw)uu ku taqasusay habka indha-sarcaadka loogu sameeyo quluubta iyo indhaha dadka iimaankoodu daciifka yahay.
Ninkan ayaa cidii dhoof-rabta shuruud ooga dhigta marka hore inay bixiyaan 100 Dollar,lacagtaan ayuu kula hadlaa Jinniga (Rooxaanta)oo ay wada shaqeystaan,kadibna marka uu Jinku ogolaado wada-hadalka,ayuu dadka shuruud ooga dhigayaa inay raacayaan Dayuurad uu Sixroolahan u bixiyay(Jinni-Airways)waxaana laga doonayaa qofkii raacaya inuu Sixroolahan Reer Hargeysa gacanta ka saaro 900-Dollar oo lagu goosanayo tigidhka lagu raacayo Dayuurada Jinka (Rooxaanta).
Shuruudaha laga doonayo dadka doonaya inay Dayuuradan raacaan ayaa waxaa ka mid ah,inaysan Sheydaanka ka acuudi-bileysan oo aysan oran (Acuudi-Bilaahi-Minna-Sheydaani-Rajiim),qofkii dhahana waa ka gubanaysaa lacagta uu bixiyay,maadaama uu qofka iska naaray Jinka,sida uu ku andoocanayo Sixroolahan ku shaqeysta indha sarcaadka.
Ninkan ayaa ku andoocanaya inuu wadamada Reer Yurub iyo Qaarada Ameerika u dhoofiyay Soomaali fara-badan,kuwaasoo qaarkood ka kala-yimid,magaalooyinka Muqdisho,Boosaaso,Jowhar,Boorame iyo magaalooyin fara-badan.
Qaar ka mid ah Culimada Somali-land ayaa durba qeylo-dhaan ka soo yeertay,waxayna sheegeen inaysan suurto-gal aheyn inay Diyaaradaha Jinka awood u leeyihiin,inay Beni-aadan dhoofiyaan,hadii ay dhacdana inuu dadka duuliyo,kadib markii ay u sujuudaan Jinniga,taasina qofka uu ka furanayo xariga ILAAHAY,halkaasna uu ku gaaloobayo.
Qisadan la-yaabka leh ayaa waxaa baaritaankeeda nagu qaadatay laba bil,,iyadoo naloo xaqiijiyay,jiritaanka ninkan Sixroolaha ah,waxaana waajib ku ah Culimada Reer Hargeysa inay dadka ka wacdiyaan khiyaamada iyo indho-sarcaadka ninkan ku qaraabanaya inuu ku shaqeysto Jinka nooca loo yaqaan (Rooxaanta).
3:35 PM 6/30/2008



del.icio.us
Digg
Comments (5 posted):
yaa rabi hadaan ogaan lahaa ninkaass meesha uu joogo waan la dagaalami lahaa, sida aan ula dagaalamo gaalada tikreega xamar joogaa
maxamed
muqdishu
maxamed muqdishu
c.m.s Beledweyne Hiiraan Somalia
waayo waxa iiga dhadhamay afkaaga inaaad tahay dadka isku magacaaba Suxufi aan ,acalin lahayn.
Walalayaal salan kadib, Arinkan waa wax mucjisa ah waa waxaan horay dunida uga dhicin. runtii waa kaafirnimo tii u darneyd. Sideedaba somalidu waa dad caadeystay laxiriirka jinka oo waxaad arkeysaa magaloyinka intabadan dad wax tumayo(Durban) ama wax karinayo oo leh mingis baan sameynaynaa waa "xus jin" ee maahan wax kale. waxaan oran lahaa Allah ha laga cabsado oo haloonoqdo waa inta falalka xun xun kujira.
Bulshada reer hargeiza-na waxaan leeyahay iska qabta oo ikla saara inta waxa xun dalka iyo dadkaba u soo hogaaminaya!!!!
Wscw,
Aniza Ali
Pl- Garowe
Post your comment