Home | News | Boliska Norway oo qaad ku qabtay fanaan caan ah

Boliska Norway oo qaad ku qabtay fanaan caan ah

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Warar caawa inaga soo gaaray garoonka diyaaradaha magaalada Oslo ee dalka Norway (Gardemoen) ayaa waxa ey sheegayaan in halkaasi caawa lagu qabtay fanaan Somaliyed oo caan ah kaasoo u casuunaa in uu ka heeso xaflad 1-Luulyo la sheegay in ey berito ka dhaceyso Oslo.

Fanaankan ayaa wararku sheegayaan in isaga iyo xaaskiisa lagu qabtay 35-kiilo oo qaad ah, kaasoo mamnuuc ka ah dalka Norway loona aqoonsan yahay walxaha maanka dooriya amaba daroogo.

Ilaha eynu ka helnay wararkan ayaa fanaankan magaciisa ku sheegay QOOMAAL inkastoo aanan wali si rasmi ah loo xaqiijin, waxaana ilaa iyo iminka ku dhagan boliska garoonka ka howlgala kuwaasoo weydiinaya su`aalo ku aadan halka uu qaadka ka keenay iyo cida uu u waday.

Waxaa sidoo kale bolisku ey ku dhagan yihiin xubno la aaminsanyahay in ey yihiin dadkii casuuntay fanaankan kuwaasoo damcay in ey ka fujiyaan boliska, halka boliskuna u haystaan in xubnahani yihiin dadkii qaadka u dirsaday fanaanka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo fanaan ama dad caan ah oo nooc walba leh lagu qabto garoomada iyagoo wata muqaadaraad walow qaadku uusan mannuuc ka aheyn wadamo ka tirsan Yururb sida UK, Holland iyo meelo kale.

Hadaba waxaan isku dayi doonaa berito (Haduu alle idmo) in aan warbixin buuxda idiin kaga keeno fanaankan fadeexada qabsatay hadii lasoo daayo iyo cidii casuumatay..

10:50 AM 7/1/2008

Comments (1 posted):

somaliland on 01 July, 2008 02:48:49
avatar
lailaha ila'lahu muxamed rasulu'alah oo maxa helay fananki wayna waa fadee xad cadi ah tan. dee hala tashtoo oo hala soo dayo. dadka so denaya ha noqdan kuwi u u waday ama ku qaad donka aha'ba ilen iyaga darood aya loo xidhay ee

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0