Home | News | Jesse Jackson:- Waxaa i haysa in aan qooraha ka jaro Barack Obama

Jesse Jackson:- Waxaa i haysa in aan qooraha ka jaro Barack Obama

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Waxaa mudooyinkan danbe saxaafadda Mareykanka iyo tan caalamkaba ey hadal hayeen hadal xasaasi ah oo ka fakaday siyaasiga weyn ee Jesse Jackson kaasoo uu ku weerarayay musharaxa madaxweyne ee dalkaasii Mareykanka Barack Obama.

Hadalkan xasaasiga ah oo dhaliyay xiisad aad u qaraar ayaa waxaa markii saxaafadda ey ku baahday waxa uu raali galin ka bixiyay Jesse Jackson hadalkii kasoo yeeray ee uu wax ugu dhimayay Obama.

Jesse Jackson ayaa yiri isagoo hoos ugu sheegayay nin la fadhiyay :"Ma aragtaa Barack, wuxuu doonayaa in uu hoos u dhigo dadka madow. Waxaa i haysa in aan qooraha ka jaro", waxaana laga duubay sida la sheegay hadalkan mar uu isku diyaarinayay wareysi uu siiyo taleefishinka FOX-NEWS.

Halkan ka daawo


Dhowr jeer ayey ku dhacday siyaasiyiin caan ah in laga duubo iyagoo iska hadlaya, waxaana mudo iminka laga joogo 2-sano ey fadeexad ceynkan oo kale ah ku dhacday madaxweyne Bush iyo Tonny Blair kuwaasoo iyana xan ku hadlayay.

 

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0