maqaal: Urur & Xubno Lagu Eedeyay Iney caqabad Ku Yihiin Dadaalada Nabadeed Urur & Xubno Lagu Eedeyay Iney caqabad Ku Yihiin Dadaalada Nabadeed ================================================================================ maqaal on 20 July, 2008 05:33:00 New York 20 Luuliyo:- (maqaal.com)Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in Xoghayaha Guud ee QM Ban-ki Moon ayaa la filayaa inuu todobaadka soo socda warbixin dheer oo ka hadleysa arrimaha Soomaaliya ah u gudbiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey fadhigooda ay ka yeelanayaan arrimaha Soomaaliya. Warbixinta oo si hordhac ah ay saxaafaddu u heshey ayaa lagu wadaa in lagu eedeeyo ururka Al-Shabaab, Sh. Xasan Daahir Aweys, Sh.Xasan Turki, Axmed Cabdi Godane,Mukhtaar Roobow (Abu mansur) iyo Yuusuf Indha-Caddeiyo xubno kale. Warbixinta Xoghayaha Guud uu u gudbinayo Golaha Ammaanka ayaa lagu xusey in Ururkaan iyo shaqsiyaadkaasi ay ku yihiin carqalad hanaanka iyo qorshaha nabadeed ee QM, waxaana la sheegay inuu ka codsan doono Golaha Amanka iney qaraar ka soo saaraan xubnihii is hortaaga dadaalada dib u heshiisiineed, sidoo kale Dowlada Eritrea ayaa iyadana lagu sheegay warbixinta iney qeyb ka tahay dalalka fara gelinta ku haya Soomaaliya sidoo kale Xukuumada Tigreega oo joogitaanka ciidamadeeda ay ka mid tahay caqabadaha horyaalla in Soomaaliya dib u heshiisiin ay ka hirgesho waxaana lagu soo dhoweeyey heshiiska shalay lagu ansixiyay magaalada Jabuuti, waxaana warbixintu ay ku tilmaantey in dhaqangelinta heshiiskaasi horseedi karo in ciidamada Ethiopia ay dalka ka baxaan, haddiise uu hirgeli waayo ayuu ka digey inay dhici karto inaan ciidamada Ethiopia aysan dalka ka bixin. Golaha Amaanka ayaa ku martiqaaday ergo ka socota Hogaanka sare ee Isbaheyisga iney aragtidooda ka dhiibtaan kulankaasi,iyagoo lagu casuumay magaalada New york, waxaana lagu wadaa in dhowaan ay halkaasi gaaraan ergada Isbaheysiga.Waa markii ugu horreysey ee xubno ka tirsan Isbaheyisga ay QM ku eedeyso iney caqabad ku yihiin geedi socoda nabadeed, Hogaamiye Kooxeedka Indho-Cadde oo dhowaanahaan olole iyo dhaqdhaqaaq xoogan ka dhex waday Saraakiisha Isbaheyisga ayaa u muuqda mid go’doon sii gelaaya, wuxuuna liiskaasi lagu daray ku riixay inuu ka mid yahay shaqsiyaadka xag-jirka ah ee nabada diidan ee Soomaaliya, isla markaasna la sheegay inuu ku lug leeyahay afduubyada iyo dilalka qorsheysan, wuxuuna xiriir dhow la leeyahay xukuumada Asmara. 5:32 PM 7/20/2008