maqaal: Warsaxaafadeed sheegaya in aay xoogaga muqaawamada aay beri ka yihiin heshiiskii Jabuuti.. Warsaxaafadeed sheegaya in aay xoogaga muqaawamada aay beri ka yihiin heshiiskii Jabuuti.. ================================================================================ maqaal on 22 July, 2008 05:46:00 Xoogaga muqaawaamada ee ka hortaagan cadawga gumaysiga itoobiya ayaa soo saaray bayaan saxaafadeed warbaahinta loo qeybiyay kaasi oo ay ku qaadaceen shirarki Yemen iyo Jabuuti ka dhacay iyagoona wacad ku maray in ay sii wadi doonaan dagaalka Jihaadka ah ee dalka ka socda kaasi oo ka dhan ah Gumeysiga Itoobiya,sida ay ku sheegeen bayaankooda oo nuqul kamid ah uu soo gaaray Shabakadda Soomaalinews.com,waxaana uu u qornaa sidatan:- Warsaxaafadeed ka soo baxay Jabhadda Islaamiga ah ee Soomaaliyeed (JABISO) oo ku aaddan Xaaladda TaaganJabhadda Islaamiga ah ee Soomaaliyeed ka dib markii ay daraasaysay waxyaabaha ka dhalan kara heshiiska jabuuti ee uu saxiixay dibna u ansixiyay garab ka mid ah isbahaysiga dib u xoraynta soomaaliya waxay ka qaadatay qodobaddan hoos ku qoran 1. Jabhadda islaamiga ah ee soomaaliyeed waxay caddeynaysaa in heshiiskaasi uusan khusaynin jihaadkana ay sii laba jibaari doonto ilaa gumeysigu waddanka ka baxo shuruud la’aan. 2. Jabhaddu waxay umadda soomaaliyeed ku wargalinaysaa in dadka heshiiska jabuuti galay ay naftooda kaliya matalaan ee ayna mujaahidiinta goobta ka dagaalamaysa iyo shacabka soomaaliyeed matalin.waxaana ugu baaqaynaa Bulshada soomaalyeed inayna ku niyad jabin isbaddalka ku yimid xubnaha galay Heshiiska Jabuuti ee horay uga mid ahaan jiray Xoogagga Mujaahidiinta waxaana ugu bishaaraynaynaa inayna tallaabadaasi waxba u dhimi doonin habsami u socodka jihaadka Dalka lagu xoreynayo. 3. Waxaan ugu baaqaynaa xoogagga mujaahidiinta garabyadooda kala duwan inay mowqif midaysan ka qaataan isbaddalkan soo kordhay oo ay safkooda mideeyaan si loo helo hiilka ilaahay iyo guusha kama danbaysta ah. 4. Waxaan caddeynaynaa inaan si wada jir ah ula wada dagaallami doonno ciidan kasta oo shisheeya ah oo waddanka loo keenay inuu gurmad iyo xoojin u noqdo gumeysiga Itoobiya waddanka ay doonaanba ha ka yimaaddeene. 5. Waxaan uga digaynaa Q.M iyo dowladaha ka tirsan inaysan ku dagmin hadalka kooxda saxiixday heshiiska jabuuti oo ayna ciidamadooda ku soo shubin dab ay ku guban doonaan waxaana u sheegeynaa inayna kooxdaasi u dammaanad qaadi karin in ay difaacdo ama xabbadda ka joojiso. 2:45 PM 7/22/2008