Xildhibaan ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo lagu dilay Dagaalka ka dhacay Degmada Kaaraan
Jimco, June 19, 2009(maqaal.com): Wararka naga soo gaaraya Degmada Kaaraan ayaa sheegaya in dagaal ka socda degmadaas lagu dilay Xildhibaan/Inj. Maxamed Xuseen Caddow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Warkan ku saabsan geerida Xildhibaanka oo aan ka soo xigannay saraakiil ka tirsan Dowladda iyo weliba dad ay ehello yihiin ayaa wuxuu intaas ku darayaa in Xildhibaanka ay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ay ku dileen gurigiisa oo ku yaalla Degmada Kaaraan.
Wuxuu noqonayaa mas’uulkii afaraad oo todobaad gudahiis laga dilo Dowladda Soomaaliya, marka laga soo tago Saraakiil Ciidan, Oday Dhaqameedyo iyo Abwaanno ku geeriyooday qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, waxaana dagaal Muqdisho ka dhacay dorraad ku geeriyooday talyihii Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Col. Siciid Shiikh Xasan halka shalayna ay Beledweyne ku geeriyoodeen Wasiirkii Amniga Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan iyo Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Itoobiya C/kariin Faarax Laqanyo iyo dad kale oo faro badan.
Dhanka kalena, waxaa weli laga maqlayaa gudaha Degmada Kaaraan rasaas goos goos ah oo ay isku ridayaan dhinacyada ku dagaallamaya Degmadaas. Wixii ku soo kordha Xaaladda Degmada Kaaraan kala soco halkan haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis),



del.icio.us
Digg
Comments (4 posted):
Wax diin ah oon lagu baraayo ma laha ninkaan dhahaayo dadka waqooyiga muqdisho degan waa gaalo isaga waa nin aan weligiis dugsi qur'aan gelin kaadidana aan iska dhaqi aqoonin, waxa uu yaqaano waa sida cusbada loo raro iyo sida xoolaha dadow loo xado, waxa uu u ordaayana waa in aan nabad dhicin oon xoolaha dadowna looga qaadin.
Muduloodow aqli yeelo dadka wax walabaad dheer tahay ee meel isaga soo wada jeesta caddowgana yuu idiin kala dhigdhigin. Ilaahey wuxuu idinku maneystay dhul barwaaqo ah, bad kheyraad leh iyo dadka ugu caqliga badan yaan lagaa dhaadhicin waa lagaa caqli badan yahay, wax lagu dheer yahay kaliya waa war, orod iyo xoolo dadow oo la dhaco, waliginn faciin foodooda ahaada, yaanan la idinka badin kana faa'iideysta kheyrka iyo heybada ilaahey idinku maneystay. wsc.
INTAY NIN DOOR NAGA DILEEN,WAA MID AAN NAGA DAHSOONAYNE.
HADAY DUX IYO DAREEN LEEYIHIIN,NABAD MA DIIDEENE.
DALKAY IIBSADEEN,OO DUFAN YAR SIISTEENE.
FICIL DARADA WAXBA KAMA DUWANA HARANKA DOOFAARE.
SHISHEEYEEY SIDII AY DA-CAYAN DABA ORDAAYAANE.
DANTA MARKII LAGA FUSHADO,DARAJADOOD WAA LAF AAN HILIB DULSAARAYNE.
AAN LA DIRIRNO SOOMAALIYEEY,INTAY GABI NA DARARGOYNIN.
OO DAD QALAAD AYSAN DEGIN DACAL AAN JOOGNO.
DIINTAAN KU DHAARTEE DHIIGII INA CADDOW MID BADAN WAA DAADINIYE.
OO WAAN DABA TAAGANAHAY DACAL WALBA OO AY DUNIDA AADAANBA.
Post your comment