Xarakada Al-Shabaab oo Shalay Xaafada Suuqa Xoolaha Xukun Lug & Gacan isdhaaf ah ku riday Dhalinyaro Afar Ah.
Xarakada Al-Shabaab ayaa Shalay markale Xukun ku ridey Afar dhalinyaro ah oo ka tirsan dadka ay dagaalada ku aafeeyeen gudaha magaalada Muqdisho.
Shalay subax ayaa waxaa la iskugu yeeray dadka dagan Xaafada Suuqa Xoolaha in ay iskugu yimaadaan Dhismihii burburay ee Warshadii hore ee Maslax Maxamad Siyaad oo ku taala meel u dhow Ex Kontrool Balcad.
Xukunkaasi ayaa waxaa ku dhawaaqidiisa fuliyay Afar nin oo 4 kursi soo dhigatay barxada dhexdeeda oo kala ah Fu’aad Shongole iyo Cali Xuseen oo Shabaabka u qaabilsan gobolka Banaadir iyo nin kale oo lagu sheegay Qaaligi kaas oo aan wadan wax Warqado ama Kutubo, sidoo kalena ma aysan jirin cid soo dacweysay Dhalinyaradan oo goobta joogtay, amaba qof marqaati ahaa oo halkaasi ka hadashay.
Waxaana miiska la soo saaray Sadex Baastooladood iyo Sadex Talefan oo Mobile ah Kutubka Qur’aanka oo kuwa Jeebka lagu qaato ah, waxaana lagu dhawaaqay in ragan ay ahaayeen Isbaarooleyaal, sidaas daraadeedna lagu xukumay Gacan iyo Lug is dhaaf ah in laga gooyo.
Si kasta ha ahaatee waa markii ugu horeysay oo ay xarakada Al-Shabaab ay gudaha magaalada Muqdisho ka fuliyaan falal noocan oo kale ah, balse waxaa horey u dhacday in ay magaalada Kismaayo ka fuliyeen fal Gacan goys ah oo ay qeylo badan ka taagan tahay.
11:42 AM 6/24/2009



del.icio.us
Digg
Comments (8 posted):
Dadkan deg deg Aanu iska qabanno haddii kale Annaga Hawiye ah waxaanu wada noqon doonaa dad wada hal gacan iyo hal lug la'. Waxaani waxay ka socdaan deegaannada yada kaliya ee daarood mel uu daganyahay waa nabad inkastoo aaysan nidaam douladnimo rasmiyan jiri.
Post your comment