Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo Hanbalyo ku aadan Maalinta Xuriyada u diray Gobolada Waqooyi Somaaliya.
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa waxaa uu u gudbinayay dhamaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaana shacabka Goboladda Waqooyi, Hanbalyo ku aadan maalinta xuriyadda Gobolada Waqooyi maalinta 26 Juun 1960 oo ay ka soo wareegtay 49 sano.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu u rajeynayaa Ummada Soomaaliyeed, Midnimo, Nabad, Horumar iyo dowladnimo, waxaana madaxweynuhu dhiiri gelinayaa oo uu bogaadinayaa nabada iyo kala danbeynta ka jirta Waqooyiga Soomaaliya isaga oo ku boorinaya iney xoojiyaan nabadaas iyo kala danbeyntaas, sidoo kalana ay soo nooleyaan, walaaltinimadii, isku duubnidii kala dhaxaysay walaalahooda kale, iyagoo hilmaamaya, cafiyaya oo ka gubaya, dhibaatadii iyo dulmigii loo geystey intii xornimada la qaatay.
Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay in dadaalkii halgamayaashii xuriyada soomaaliyeed ay jiilalkii ka danbeeyay lumiyeen, dalkeenana uu marayo xaalad adag oo u baahan shqao badan si dib loogu soo nooleeyo, dowlad dhexe oo tayo leh oo dadkayagu sugayey muddo ku dhow 20 sano.
Shacabka Soomaaliyeed way ka daaleen dagaal, burbur iyo dawladnimo la’aan, waxayna aad ugu baahan yihiin sidii loogu heli lahaa dawlad ay ku nastaan oo gaarsiisa ummadaha kale ee ay ka hareen.
Dalka Soomaaliya waxaa dagaal ka hurinayaan ayuu yiri Madaxweyne Sheikh Shariif, kuwa nabadda, horumarka, iyo kala danbeynta Soomaaliya aan rabin oo ay hogaanka u hayaan Argagixiso Caalami ah, kuwaasoo dalkeena iyo dadkeena ka raba ineey ka dhigtaan meel aan sharci ka jirin oo gabaad iyaga u noqota.
Ugu danbeyntii Madaxweynuhu wuxuu ku rajo weyn yahay in shacabka Soomaaliyeed uu ka guuleysan doono argagixisada, ayna soo noqon doonto sharaftii iyo walaaltinimadii ka dhexaysay shacabkeena meel walbo oo uu joogo.. sidaas darted waxaan hubaa ayuu yiri Madaxweynuhu in dalkeenuna uu heli doono horumar, nabad, iyo wanaag dhanwalba ah.
2:18 PM 6/26/2009



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment