Home | News | Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin oo gacanta ku dhigay Haweenay seygeeda Xalay ku dishay deegaano hoostaga degmada Afgooye.

Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin oo gacanta ku dhigay Haweenay seygeeda Xalay ku dishay deegaano hoostaga degmada Afgooye.

Font size: Decrease font Enlarge font
image maqaal.com

Ciidamada Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa gacanta ku soo dhigay haweenay ninkii qabay ku dishay deegaano hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Wararka laga helayo deegaanka Gurdaan oo ka mid ah deegaanada ku gadaaman degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa waxaa ay tibaaxayaan in gabaldhicii shalay uu ka dhacay fal dil ah kadib markii haweenay ka mid aheeyd dadka deegaanka ay baangad ku dishay nin horay u qabay.

Dilkaani ayaa waxaa uu yimid kadib markii murun xoogan oo xagga Furiinka uu soo kala dhexgalay haweenayda wax dishay iyo seygeeda taasoo in mudo ah soo jiitamaysay.

Odayaasha dhaqanka ee deegaankaasi Gurdaan ayaa waxaa la sheegayaa in ay xal ka gaari waayeen garta labadaani qofood taasoo sababtay in aaqirkii falkaasi dilka ah uu dhaco sida uu Shabelle u xaqiijiyay mid ka mid ah odayaasha dhaqanka degmada Afgooye.

Haweenaydaan ayaa markii ay dishay ninkeeda waxaa durbaba gacanta ku dhigay dhalinyarada deegaankaasi waxaana islamarkiiba ay qadka taleefanka kula xariireen ciidamada Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin oo xiligaasi howlo nabad ilaalin ah ka waday wadada dheer ee xariirisa degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyne.

Ciidamadaasi ayaa waxaa ay haweenaydaasi u taxaabeen saldhiga degmada Wanlaweyne ee gobolka Sh/hoose halkaasi oo ilaa iyo haatan ay ku xirantahay,waxaana maamulka  Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ee degmadaasi ay sheegeen in ay Shareecada Islaamka waafajin doonaan.

2:51 AM 6/27/2009

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0