Home | News | Madaxweyne Shiikh Shariif: "Xasan Daahir waxaa dagaalada u hogaamiya saraakiil Eratariyaan ah qorsha kasta waxaa soo dajiya saraakiishaas"

Madaxweyne Shiikh Shariif: "Xasan Daahir waxaa dagaalada u hogaamiya saraakiil Eratariyaan ah qorsha kasta waxaa soo dajiya saraakiishaas"

Font size: Decrease font Enlarge font
image maqaal.com

Madaxweynaha dowladda KMG ah Shariif Shiikh Axmed ayaa ku eedeeyey Shiikh Xasan Daahir Aweys inuu sii hurinayo dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho ee u dhexeeya dowladda KMG ah iyo xoogagga kahorjeeda.

Shiikh Shariif oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho aya sheegay in Shiikh Xasan Daahir Aweys ay dagaalada la qorsheeyaan saraakiil Eratariyaan ah, waxaana uu sheegay in Shiikh Xasan Daahir uu doonayo inuu dalka galiyo dhibaato cuusb sida uu hadalka u dhigay.

"Xasan Daahir waxaa dagaalada u hogaamiya saraakiil Eratariyaan ah, qorsha kasta oo dagaalka ku aaddan waxaa soo dajiya saraakiishaas" ayuu yiri Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed oo ka hadlayey shirka jaraa'id ee uu ku qabtay magaalada Muqdisho.

Dhanka kalena Shariif Shiikh Axmed madaxweynaha dowladda KMG ah ayaa la weydiiyey xilli xarunta madaxtooyada madaafiic laga ridayey goobaha ayt ujeedada madaafiicdaas waxaana uu ku jawaabay.

"Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM waxay duqeynayaan goobo mucayin ah oo ay ku sugan yihiin Al-qaacida" ayuu ku jawaabay Shiikh Shariif madaxweynaha dowladda KMG ah.

Si kastaba ha ahaatee hadalka Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa imaanaya xilli ciidanka AMISOM ay maanta duqeyn ba'an u geysteen qeybo kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho duqeyntaas oo khasare uu ka soo gaaray dad rayid ah.

1:39 PM 6/28/2009

Comments (1 posted):

Zakaria Haji on 28 June, 2009 03:40:44
avatar
waxaan aad iyo aad uga xumahay In madaxwaynaha Somalia Sheikh shariif uu qiil aan soconaynin u yeelo madaafiicda lala dhacaayo masaakiinta iyo bulshada ku nool daafaha magaalada muqdisho ,

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0