4-qof oo ku geeriyootay madaafiic maanta lagu duqeeyey qeybo katirsan degmooyinka Muqdisho.
Inta la og yahay afar qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay duqeyn maanta kadhacday qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Somalia kadib markii ciidanka AMISOM ay soo duqeeyeen deegaano katirsan magaalada Muqdisho.
Dadka dhintay oo dhamaantood ahaa dad shacab ah ayaa waxa ay madaafiic kula dheceen degmooyin katirsan magaalada Muqdisho oo ciidanka AMISOM ay la dhacayeen madaafiic ba'an, waxaana duqeynta ay ka dambaysay kadib markii madaafiic lagu weeraray xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.
Madaafiicda ayaa ku soo dhacay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, waxaana sidoo kale la sheegayaa inay ku dhaawacmeen dad rayid ah oo tiradoodu ay gaarayso 13-qof kuwaas oo ay ku habsadeen madaafiicdii ay ciidanka AMISOM ku soo duqeeyeen deegaanada ay rayidku ku dhaqan yihiin.
Dadka ku dhaawacmay duqeynta ayaa waxaa la gaarsiiyey isbitaalada magaalada Muqdisho iyadoo ay u soo gurmadeen gaadiidka gurmadka degdegga ah ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee duqeynta maanta kadhacday magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaysa xilli madaxweyne Shariif Shiikh Axmed uu a war hayey marka ciidamada AMISOM ay xarunta madaxtooyada ka soo duqeynayeen goobaha ay ku dhaqan yihiin dadka rayidka ah.
1:44 PM 6/28/2009



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment