Masuuliyiinta dowladda ee gobolada Bay iyo Bakool oo sheegay in ay ciidamo shisheeye la kaashanayaan la wareegida goboladaasi.
Gudoomiyihii dagmada Baydhabo ee dowladda KMG Xasan Maxemed Biikole oo xalayto u waramaya idaacada shabelle ayaa sheegay in ay abaabulayan oo ay wadaan qorshayaal ay kula wareegayaan gobolada Bay iyo Bakool waxa uuna tilmaamay in ciidamo shisheeye ay u kaashanaayan abaabulkaasi,waxa uuna intaasi raaciyay in ciidamo shisheeye aysan ku cusbayn horayna ay u joogen hadana ay doowladu dalbatay.
Mar ay shabelle waydiisay Gudoomiyihii Dagmada Baydhabo ee dowladda KMG Xasan Maxamed Biikole ciidamada uu sheegay in ay u kaashanayaan abaabulka ay ku doonayaan in ay kula wareegan gobolada Bay iyo Bakool oo ay iminka gacanta kuhayaan xarakatul shabaabul mujaahidiin ayaa waxa uu sheegay in au soo wadanay7aan ciidan waliba oo shisheeye maadaama dowladda ay arintaani dalbatay.
Warkaani ka soobaxay masuuliyiintii dowlada KMG ee gobolada Bay iyo Bakool oo iyago horay laaga saaray gobaladaasi intooda badan ayaa waxa uu ku soo begmayaa xili maalmihii dambe ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadeen qaybo kamid ah gobolka Bakool.
2:28 AM 6/29/2009



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment