Ganacsatada Muqdisho oo loogu baaqay in ay shan maalmood gudahood ku soo bixiyaan Raashinka iyo Dawada dhacay ee Bakhaarrada ugu jira
Isniin, June 29, 2009(maqaal.com): Ganacsatada ku dhaqan Magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa ku ganacsada Suuqa Bakaaraha ayaa maanta loogu baaqay in ay muddo 5 maalmood gudahood ah ay dibadda ugu bixiyaan raashinka iyo dawooyinka dhacay ee bakhaarrada ugu keydsan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Shiikh Cali Maxamed Xuseen ayaa sheegay in shan maalmood kaddib ciddii lagu arko iyadoo Bakhaarro ku heysata laga qaadi doono tallaabo shaarci ah oo waafaqsan shareecada Islaamka.
“Walaalayaal sida aad ogtihiin Alle Rasuulkiisa CSW waxaa uu yiri {Qofkii na qayaana naga mid ma ahan, marka sida aad arkeysaan waxaa la soo helay raashin qoyay oo dhagax noqday, mid dhacday iyo mid wasaqoobay, waxaana laga soo helay Bakhaarro ku yaalla Suuqa Bakaaraha”ayuu yiri Shiikh Cali Maxamed Xuseen oo ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in aysan dadka sumeynin.
“Umadda Madfac ayaa ku socda, abaaro ayaa heysta marka ha ugu darina sun iyo raashin dhacay. Madfaca qofkii Alle u qadaray ayuu ku dhacayaa laakin raashinka qof walba gurigiisa ayuu ugu gelayaa, xitaa ganacsadaha gurigiisa waa la geynayaa sidaas darteed waxaan leenahay ganacsatada lacagtiina ku soo gata raashin tayadiisa wanaagsan tahay”ayuu mar kale yiri Shiikh Cali Maxamed Xuseen oo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin u qaabilsan Gobolka Banaadir.
Dhanka kalena, Guddoomiyaha Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Banaadir waxaa uu baaq u diray Ganacsatada Maqaayadaha leh iyo kuwa Biyaha la cabo ka ganacsada, wuxuuna ugu baaqay in ay ku dadaalaan nadaafadda raashinka iyo cabitaanka ay ka ganacsanayaan.
Tallaabada ay qaadday Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa waxaa soo dhaweeyay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo in muddo ah ganacsi ahaan loogu keeni jiray raashin iyo dawo dhacday ama aan tayo wanaagsan lahayn.
Salaad Iidow Xasan (Xiis),



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment