Dagaalo goosgoos ah iyo duqeymo xoogan islamarkaana sababay dhaawaca dad rayid ah oo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Dagaaladani goos gooska ah ayaa galabta waxa ay ka dhaceen degmada Kaaraan ee goblka Banaadir ,iyadoona ay u dhaxeeyeen ciidamo katirsan kuwa dowladda KMG iyo xoogaga hubeysan ee ka horjeeda.
Inta lo ogyahay dagaaladani goos gooska ah iyo duqeymaha galabta loo geystay xaafado ka mid ah degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa 12-qofood oo ah dadrayid ah sida uu shabelle u xaqiijiyay Cali muuse oo kamid ah Saraakiisha gaadiidka gurmadka ee dadka dhaawacyada ah qaada.
Si kastaba ha ahatee dagaaladani goos goos ka ah iyo duqeymaha galabta loogeystay degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay dabasocdaan dagaalo maalmahan kadhacayay degmooyinkaas iyadoona halkaasi ay wali isku horfadhiyaan dhinacyadii ku dagaalamay
2:42 PM 6/30/2009



del.icio.us
Digg
Comments (1 posted):
Post your comment