Home | News | Wasiiro dowlaha Gaashaandhiga Yuusuf Indhacade oo si kulul u weeraray xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG.

Wasiiro dowlaha Gaashaandhiga Yuusuf Indhacade oo si kulul u weeraray xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG.

Font size: Decrease font Enlarge font
image maqaal.com

Wasiiru dowlaha gaashandhiga dowladda KMG ee Soomaaliya Sheeq Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) ayaa si kulul u weeraray xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda isagoo ka jawaabay hadalkii Usaama Bin Laadin.

Sheeq Yuusuf  Maxamed Siyaad (Indhacade) oo ah wasiiru dowlaha gaashandhiga dowladda KMG oo xalayto ka hadlayay munaasabad lagu maamuusayay 49 guuradii ka soo wareegtay markii uu xoroobay dalka Soomaaliya islamarkaana ay midoobeen gobolada Waqooyi iyo Koofureed ee Soomaaliya.

Sheeq Yuusuf  Maxamed Siyaad (Indhacade) oo qudbad dheer ka jeediyay halkaasi ayaa waxa uu si kulul u weeraray hogoomiyaha Ururka Alqaacida iyo Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin , waxa uuna tilmaamay in hadal bilo ka hor ka soo baxay Sheeq Usaama Binlaadin uu ku aadanaa in dowladda Soomaaliya ay tahay dowlad ay wataan dala shisheeye islamarkaana  ugu baaqay mujaahidiinta Soomaaliya in ay xukunka ka tuuraan dowladaasi ay tahay mid wax kama jiraan ah uguna baaqay Sheeq Usaama hogamiyaha Alqaacida in uu ka toobad keeno hadalkaasi  sida uu hadalka u dhigay  sida uu hadalka u dhigay Yuusuf (Indhacade).

Wasiiru dowlaha gaashandhiga dowladda KMG ee Soomaaliya Sheeq Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) waxa uu sidoo kale qudbadiisa ku weeraray xoogaga  Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin oo iyagu inta badan gacanta ku haya gudaha dalka Soomaaliya .

Sheeq Yuusuf  Maxamed Siyaad (Indhacade) waxa uu sidoo kale ugu baaqay dadweynihii ka soo qeybgalay munaasabadaasi la gu xusaya 1-da luulyo in ay difaacaan dowladda KMG islamarkaana ay iska qabtaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG gaar ahaan Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin.

2:12 AM 7/1/2009

Comments (2 posted):

c/kariim on 07 July, 2009 09:37:21
avatar
madaxda dowlada waa dadka ku dambeerya foodada ka socota soomaaliya maxaa yeelay mar haday yihiin dadka huweeya mucaaradka waa dadka laynaya shacabka soo maaliya taasina caab ayey ku tahay maxaa yeelay waa dad mas'uuliyiin ah kuma habooneyn inay sii laayaan shacabka marka waxaan u dardaarmayaa dadka calooshood u shaqeestayaasha ah iyo dadka u shaqeeya shisheeyaha inay ka soo laabtaan wadadaas ayna ilaahooda u soo towbiyaan
institutes on 16 July, 2009 01:40:22
avatar
for all education information available

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0