Dagaal Culus iyo Madaafiic sababay dhimasho iyo dhaawac oo haatan ka socoda Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.
Dagaalo Culus iyo Madaafiic is bar bar socda ayaa waxaa ay haatan ka socdaan xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir iyadoo la soo sheegayo dhimasho iyo dhaawac dagaaladaasi ka dhashay.
Dagaaladaani oo daqiiqado ka hor bilowday ayaa waxaa u dhaxeeyaa ciidamada dowladda iyo Xoogaga Hubaysan ee is garabsanaya ee Xarakarul Shabaabul Majaahidiin iyo Ururka Xisbul Islaam.
Dagaalka oo ay bar bar socdaan madaafiic badan ayaa waxaa uu saamayn xoogan ku yeeshay dadka rayidka,waxaana ku dhintay inta la xaqiijiyay 2-ruux oo rayid ah iyadoo 8-kalena ay ku dhaawacmeen sida ay Shabelle u sheegeen dadka deegaanka.
Dagaalada ayaa waxaa ay si saf ah uga socdaan laga bilaabo isgoyska Sanca ilaa deegaanka mirinaayo ee degmada Kaaraan halkaasi oo uu ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya dhinacayada inta badan ku dagaalama Magaalada Muqdisho ee dowladda KMG iyo xoogaga Hubaysan.
Madaafiicda la is weydaarsanayo ayaa waxaa ay ku dahacayaan Xaafado ka baxsan halka lagu dagaalamayo Waxaana dhowr madfac ay ku dhacday Agagaarka Hoteelka Lafweyne,deegaanka Siisii iyo qeybo kale oo ka tirsan degmadsa Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Dhanka kale isgoyska Debka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay iska horimaad kooban oo mudo halkaasi ka dhacay Kaasoo aan la ogeyn qasaaraha uu dhaliyay,waxaana taasi ay sababtay in ciidamada AMISOM ee fariisinka ku leh wadada Makka Al Mukarama ay xiraan Wadaadaasi.
Wixii wararkaasi ku soo kordhaa kala soco Shabelle.net Hadii uu Illaah Inoo Saamaxo.
11:52 AM 7/1/2009



del.icio.us
Digg
Comments (1 posted):
Post your comment