Dagaalo galabta markale ka dhacay degmooyinka Howlwadaag iyo Kaaraan ee gobolka Banaadir.
Ciidamo katirsan kuwa dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa galabta waxa ay weerar ku soo qaadeen fariisin ay xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG ku lahaayeen degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir halkaasi oo in mudo ah ka socday dagaal daqiiqdo qaatay.
Ciidamada dowladda oo iyagu galabta weerarka soo qaaday ayaa waxa ay dib ugu laabteen goobihii ay ka soo tageen markii hore.
Lama oga ilaa iyo hadda qasaaraha uu sababay dagaalka galabta ka dhcay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir hasa ahaatee dadka ku dhaqan qeybo ka mid ah degmada Howlwadaag ayaa waxaa muujiyeen xaalad cabsi ah.
Dhinaca kale Dagaal aad u culus oo bilowday barqanimadii maanta ayaa dib uga laba kacleeyay galabta Xaafadaha degmada Kaaraan ee Magalada Muqdisho waxaa ayna dagaaladaasi u dhaxeeyeen ciidamada dowladda iyo Xoogaga hubaysan ee is garabsanaya.
Sheekh Muuse Cabdi Caraale oo ah Afhayeenka Ururka Xisbul Islaam ayaa xili uu ua waramayay Idaacada Shabelle isagoo dagaalka ka qeyb qaadanaya waxa uu sheegay in dagaalada iyaga lagu soo qaaday islamarkaana ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay dagaalada uga qeyb qaadanayeen madafiic culus oo ay ku garaacayeen xaafadaha lagu dagaalamayay.
Waxaa uu sheegay in ay la wareegeen deegaanka Mariino iyo Jiirow Wacbuudhan ee degmada Kaaraan isagoo intaasi ku daray in ay haatan ku sii siqayaan hoteelka golobal ee Magaalada Muqdisho.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada kMG Soomaaliya oo ku aadan dagaaladaani iyadoo mar aan isku daynay in aan xariir la samayno aysan inoo suurta galin.
Dagaalada ayaa waxaa ay dhaliyeen qasaare culus oo soo gaaray dadka rayidka ee ku haray xaafadaha lagu dul dagaalamayo waxaana inta la ogyahay dagaalkii maanta ku nafwaayay ilaa 13-ruux halka ay ku dhaawacmen in ka badan 40-ruux oo rayid ah.
Dadkaasi ayaa 17-ka mid ah waxaa qaaday gaadiidka gurmadka deg deg ah halka 13-kalena ay qaadeen gawaarida dadka rayidka ay isticmaalaan sida uu Idaacada Shabelle u xaqiijiyay Cali Muuse oo ka mid ah saraakiisha gaadiidka Gurmad deg dega.
Xaafadaha degmda Yaaqshiid iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa dagaaladu waxaa ay ku yeesheen saamayn xoogan waxaana dadkii halkaasi horay ugu horay ay bilaabeen in ay ka cararaan deeganadooda oo ay u talaabaan goobo ka baxsan halka lagu dagaalamayo.
Dagaalkaani ayaa waxaa uu xariir la yahay dagaalo Maalmihii tagay iyo Shalay ka dhacay degmda Kaaraan ee gobolka Banaadir,waxaana dagaalkii shalay ku dhintay 15-ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 42-ruux oo lagu qaaday Gaadiidka gurmadka deg dega.
12:05 PM 7/2/2009



del.icio.us
Digg
Comments (1 posted):
Post your comment