Home | News | Xaalada degmooyinkii shalay ay dagaaladu ka dhaceen ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho oo saakay degan.

Xaalada degmooyinkii shalay ay dagaaladu ka dhaceen ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho oo saakay degan.

Font size: Decrease font Enlarge font
image maqaal.com

Waxaa saakay degen xaalada degmooyinka Kaaraan iyo Howlwadaag halkaasi oo shalay ay ka dhaceen dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay ciidamo katirsan kuwa dowladda KMG  iyo Xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda.

Xaalada degmooyinka Kaaraan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa saakay waxa ay tahay mid degen inkastoo shalay galinkii hore degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir uu ka dhacay dagal qasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh u geystay dadka rayidka ah ee ku haray xaafadaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Dagaalkii shalay ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa waxa uu dhaliyay qasaaro xoogan oo dadka riyadka ah soo gaaray.

Inta la ogyahay dagaalka shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhowaad 25-ruux oo rayid ah halka ay ku dhaawacmeen inka badan 60-ruux oo iyina dad rayid ah kuuwaasi oo la jiifiyay isbitaalada magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa saakay iyana degen xaalada degmada Howlwadaag oo shalay galab dagaal daqiiqado qaatay ka dhacay kadib markii ciidamo katirsan kuwa dowladda KMG ay weerar ku soo qaadeen fariisimo  ay ku sugnaayeen xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda.

Sikastaba ha ahaatee dhinacyadii shalay ku dagaalamay degmooyinka Kaaraan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay kala joogaan goobihii ay ku sugnaayeen kolkii hore iyadoona saakay xaaladu ay tahay mid degen.

3:04 AM 7/3/2009

Comments (2 posted):

aicte on 15 July, 2009 03:29:00
avatar
education3
cbse on 15 July, 2009 03:30:27
avatar
education4

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0