Home | News | Ciidamada AMISOM ee ku sugan isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho oo qof rayid ah galabta ku dilay isgoyskaasi.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho oo qof rayid ah galabta ku dilay isgoyskaasi.

Font size: Decrease font Enlarge font
image maqaal.com

Ciidamada AMISOM ee ku sugan isgoyska KM4 ayaa waxa ay galabta toogteen qof rayid ah xilli halkaasi howlo dhismo ah ay ka wadeen.

Dilka ruuxan geeryooday ayaa yimid ka dib markii sida la sheegay uu isku dayay in dhagxaan tiilay isgoyska KM4 uu ka qaado iyadoo ciidamada AMISOM ee isgoyskaasi fariisinka ku leh ay ka shakiyeen ninkaasi geeryooday oo ay u maleeyeen in uu miino dhulka ku aasayay sida dadka ku dhaqan nawaaxiga KM4 ay Shabelle u sheegeen.

Xilliga uu falkaasi dilka ah dhacayay ayaa waxa la sheegay in ciidamda AMISOM ay xireen dhamaan isku socodka gaadiidka iyo dadka ,waxaana la sheegay meydka marxuumka ay dileen ciidamada AMISOM uu in mudo ah yaalay halkii ay ku togteen ciidamada AMISOM.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha Magaalada Muqdisho ayaa dhowr jeer oo horay waxa ay rasaas bareer ah ku fureen dad rayid ah oo marayay qeybo ka mid ah wadada Makka Almukarama ee Magaalada Muqdisho ,iyadoo aysan jirin cid u dooda ama kala xaajoota dhibaatada ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhawaan ayaa Hay’ada Xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch waxa ay midowga Africa ugu baaqday in ay baaraan tacadiyada ciidamada AMISOM ay ku hayaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho,waaana saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM oo la hadlayay Shabelle ay beeniyeen in ay tacadiyo ka geysteen Magaalada Muqdisho.

12:20 PM 7/3/2009

Comments (1 posted):

iit on 15 July, 2009 03:26:43
avatar
education

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0