Home | News | Midowga Afrika oo Addis-Abebba ku casuumay sadexda masuul ee ugu sareysa dowladda Federalka

Midowga Afrika oo Addis-Abebba ku casuumay sadexda masuul ee ugu sareysa dowladda Federalka

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Warar goor-dhaweyto naga-soo gaaray magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo,ayaa sheegaya in sadexda mas,uul ee oogu sareysa Dawlada Federaalka Soomaaliyeed ay u socdaali-doonaan xarunta Midowga Afrika looga arimayo ee magaalada Adis-ababa.

Casumaada ayaa waxaa 3-da mas,uul ee oogu sareysa Dawlada soo gaarsiiyay shalay galab,Ergayga gaarka ah ee ururka midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mr-Nicolas Bawakira.

Ururka Midowga Afrika ayaa u yeerista Madaxweyane Cabdulaahi Yuusuf, reysalwasaare Nuur-Cadde iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Seekh Aadan Madoobe,waxay ka dambeysay khilaafaad iyo kala shaki soo kala dhex-galay madaxweyanaha iyo reysalwasaraha.

Sadexdan Mas`uul ayaa la filayaa hadiiba ay dhacdo inay aqbalaan casumaada ka timid Midowga Afrika in ay kula kulmaan magaalada Adis-ababa reysawasaaraha dalka Itoobiya Melez Sanaawi oo ay ciidamiisu kaalmo milateri siinayaan Dawlada Federaalka Soomaaliyeed.

Xarunta Midowga Afrika ayaa ku taalo magaalada Addis-Abeba ee dalkaasi Itobia.

2:14 PM 8/14/2008

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
1.00
Powered by Vivvo CMS v4.0