Home | News | War degdeg ah Madaafiic tii ugu darayd oo lagu tuuray suuqa weyn ee Bakaaraha (Dhageeyso)

War degdeg ah Madaafiic tii ugu darayd oo lagu tuuray suuqa weyn ee Bakaaraha (Dhageeyso)

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Madaafiic aad u xoogan ayaa  goordhaweyd lagu garaacay Suuqa weyn ee Bakaaraha waxa ayna sababtay in ay cararaan dad farabadan oo ku sugnaa gudaha suuqaas Madaafiicdaas ayaa wararka qaar sheegayaan in laga soo tuurayo dhanka Madaxtooyada ee Villa Somaliya.


 Madaafiicda qaar ayaa waxa ay bur bur u gaysteen qaybo ka mid ah  Daaraha shirikaadka taleefanada oo laga kala cararay kuwaas oo dhamaantood  kuyaalla wadada koowaad oo ay deganyihiin shirikadaha.

Dhageeyso

 Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ay gaysteen laakiin wararka naga soo gaaraya cusbitaalada ayaa sheegay in la geeyay ku dhawaad sided ruux oo rayid ah
 Sidoo kale xaalka xaafada xamarweyne oo daris la ah Madaxtooyada ayaa iminka kacsan waxaana la arkayaa ciidamo malatari ah oo dhex wareegaya gudaha xamarweyne siada uu ku soo waramayo wariye ka tirsan Soomaalinews.

2008-08-21 1:58:00

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0