Kismaayo Oo Gacanta U Gashay Kooxaha Islaamiyiinta
Goob-joogayaal ayaa sheegay in koox xag-jir Islaamiyiin ahi ay la wareegeen magaalada dekedda leh ee Kismaayo kadib dagaal socday saddex maalmood oo ay ku dhinteen ugu yaraan 55 qof.
Dadka degan Kismaayo ayaa sheegaya in kooxaha xag-jira ay jabiyeen ciidamo-beeleeddii la diriraysay tan iyo Arbacadii.
Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in ugu yaraan boqol qofi ku dhaawacantay dagaalka.
Wareysiga Sh. Xasan Yacbuuq - Soo rogo (MP3)Dhagayso
Wareysiga Sh. Xasan Yacbuuq - Dhegayso (MP3)Dhagayso
Warbixinta Sahra Axmed - Soo rogo (MP3)Dhagayso
Warbixinta Sahra Axmed - Dhegayso (MP3)Dhagayso
Sh. Xassan Yacquub, oo ka mid ah Hogaamiyayaasha ciidamada Magaalada qabsaday, ayaa Laanta Af-Somaaliga ee VOA u sheegay inay magaalada Ksimaayo ku dhaqi doonaan Shareecada Islaamka.
Dowlada KGM ayaa Isniintii heshiis nabadeed la saxiixatay mucaaradka qunyar-socodka ah, haseyeeshee kooxaha dagaalka wada iyo mucaaradka mayalka adag waa ay diideen heshiiska waxana ay ku dhaarteen in ay dagaalka ay doonayaan in ay hogaanka dalka kula wareegaan ay sii wadi doonaan.
Warbixinta dagaalada Kismaayo iyo Wareysiga Sh. Yacquub halkan ka dhagayso.
2008-08-22 04:29:00



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment