Home | News | Wariyeyaal Canadian ah oo lagu afduubtay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Wariyeyaal Canadian ah oo lagu afduubtay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Wariyeyaal gelinkii dambe ee maanta lagu afduubtay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye kuwaasi oo aanan weli lagaran halka loola dhaqaaqay.

 Labadani wariye oo u kala dhashay Wadamada Canada iyo Australia kalana ah wiil iyo gabar isla markaasina lagu kala magacaabo gabadha Amanda halka wiilkana lagu magacaabo Michael ayaa lasheegay in ay kasoo baxeen Muqdisho. Wariyeyaashani ayaa waxa ay ahaayeen Saxafiyiin madax banana, waxaana ay ka baxeen barqanimadii maanta Hotelka Shamo ee Muqdisho ay ka deganaayeen, waxaana halkaasi ka kaxeeyay Maleeshiyooyin loogu talagalay iyaga oo markii ay gaareen deegaan kudhaw Ceelasha biyaha ladoonayay in lagu wareejiyo Ciidamo ka amar qaata Maamulka Gobolka Sh/hoose. Intii uu kasocday gaarigii ay saarnaayeen isla markaasina uu doonayay in uu gaaro halka ay kusugan yihiin Ciidamada kale ee Maamulka Gobolka sh/hoose ayaa waxaa dhexda u galay Kooxo dabley ah oo hubeysan iyaga oo halkaasina ku afduubtay labadaasi wariye iyo Tarjumaankii lasocday oo Soomaali ah. 
Illaa iyo iminka lama garanayo cidda ka dambeysa Afduubka wariyeyaashaasi, waxaana sidoo kale aanan la ogeyn halka loola dhaqaaqay Wariyeyaashaasi maanta lagu afduubtay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo lasheegay in ay halkaasi booqasho ku aadayeen si ay warbixinno uga diyaariyaan.

11:55 AM 8/24/2008

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0