Home | News | Dowladda Ethiopia oo Raja-beel ka muujisay nabadda soomaaliya

Dowladda Ethiopia oo Raja-beel ka muujisay nabadda soomaaliya

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Warbixinta wasaarada arrimaha dibada ee Ethiopia ayaa waxa lagu xussay in geedi socdkaa nabadda ee Somalia ay soo foodsareen caqabado niyad jabinaya saaxibada Soomalia qarkana u saaraya inay garaan marxalad rajo beel ah.
Warbixintu waxay si gaar ah u xustay ismaan-dhaafka soo kale dhexgalay Madaxwaynaha Dowladda ku meel gaarka ee Somalia Abdullaahi Yussuf Iyo Ra'iisal wasaaraha Nur Hassan Hussein oo ay sheegtay in ay nasiib daro tahay in khilaafkooda uu ku soo beegamay xilli ay soo if-baxayaan ididiilo muujinaya hor usocod xagga dib u heshisiinta gaar ahaan shirkii dhowaantan ka dhacay dalka Djibouti.

Waxa la yaableh bay tiri warbixintu, in iyadoo todobaadkan ay jireen dhacdooyin ka turjumaya horumar xagga nabada, in haddana dhinaca kale uu sii xoogaystay khilaafka dhexyaala Madaxwaynaha iyo Ra'iisal Wasaarha, khilaafkas oo ay ku tilmaamatay mid aan loo bahnayn.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in ismaan dhaafka madaxda sare, uu saamayn ku yeeshay xaaladda guud ee ka jirta dalka.

Waxay xustay waraysi uu wasiirka arimaha dibeda ee ethiopia Seyoun Mesfin uu siiyey todobaadkan Jaraa'idka Financial Times ee ka soo baxa Ingiriiska oo ku sheegay in khilaafka labada masuul uu yahay dhibaatada ugu wayn ee is-hortaagaysa nabada.

k
Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha waxa u dhexeeya khilaaf weyn

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyey in khilaafka-kan uu ka dhex abuuray dowladda mushkilo ka hor-istagayso in ay diirada saarto masuuliyadii Iyo howshii ay ahayd in ay fuliso.

Kama muuqato buu yiri labada masuul firfircooni lagu xalliyo khilaafka dhexyaala.

Waxaan shaki ku jirin buu yiri wasiirka, in murankan iyo waliba sida carada leh ee ay qaybta mucaaradka ee ku sugan magaalda Asmara ee Dalka Eritrea uga jawaabeen heshiikan Djibouti ay hor seedeen isku dhacyadda xooggan ee todobaadkan gudaha Soomalia dhexmaray Xoggaga Al-shabaab iyo ciidamaka dowladda ku meel gaarka.

Warbixinta wasaarada arimaha dibada ee Ethiopia waxay sidoo kale sheegtay in joogitaanka ay joogaan Ethiopia Madaxwaynaha, Ra'iisal wasaaraha iyo Afhayeenka Barlamaanka muddada todobaad ka ah ay muujinyaso in ilaa iyo imika aanu jirin habayaraatay horumar laga gaaray xallinta khilaafka u dhaxeeya mas'uuliyiinta.

Weli suurtagal ma ah bay tiri warbixintu in la sheego waqtiga ay waddahadalan la soo afjarayo, laakiin waxay sheegtay in aanu shaki ku jirin in waddahadaladu ay marayaan marxalad xasaasi ah.

Waxayna isugu soo biya shubaynaysaa bay tiri warbixintu in nabada Soomalia aanay mustaqbal lahayn iyadoo aanay isla shaqayn Madaxwaynaha Ra'iisal Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Barlamaanka.

Khilaafka u dhaxeeya madaxda aya warbixintu sheegtay inay ka faa'idaysanyaan Al- Shabaab iyo kooxaxa mucaaradka ee ku sugan Asmara, horumar la gaaro dib u heshisiinta waqtiga soo harayna waxay ku xirantahay bay tiri iyadoo ay joojiyaan isku dayadda ay Madaxwaynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha ku doonayaan in midba midka kale uu jagada ka qaado, midkoodana arintaas masamayn karo ayey tiri.

Ugu dambayntii warbixintu waxay sheegaty in haddii madaxda sare ee dowldda ku meel gaarka ay ku adkaatay in ay isla shaqeeyaan siday ugu suurta galaysaa in ay mucaardka la galaan wadahadal wax ku ool ah, iyadoo uu mucaaradka kala dhaxeeyo kala duwanaasho xagga aragtida ah oo ka wayn ka dhexyaala iyaga

Source: BBCsomali.com

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0