Cabsi dagaal oo ka jirta degmada Baardheere ee gobolka Gedo
Baardheere. 26 Aug.2008 (talaado) Maqaal.com: Wararka laga helayo gobolka Gedo ee dalka Somalia ayaa sheegaya in cabsi dagaal ay ka jirto magaalada Baardheere ee gobolkaasi, iyada oo laga baqanayo in ay faraha isa saaraan xoogagga ay kala wataan Col Barre Hiiraale iyo dhaqdhaqaaqa mintidka alshabaab, oo iyagu goor sii horeysay la wareegay gacan ku haynta magaaladaasi.
ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku sugan magaalada Baardheere ayaa qadka teleefanka ugu xaqiijiyay Xafiiska shabakadda wararka ee Maqaal.com in duleedka magaaladaasi uu soo gaaray Barre Hiiraale iyo ciidan uu wato oo laga soo cayrsaday magaalada kismaanyo kadib markii looga adkaaday dagaal ku dhex maray kooxo diimeedyo hubaysan oo kismaayo haatan la wareegay, iyada oo ilahaasi ay sidoo kale ku warameen in Col Barre Hiiraale uu sheegay in uu ku socdo guri uu ku leeyahay magaalada Baardheere, iyada oo la ogyahay in magaalada ay ku jiraan oo ay maamulaan haatan xoogaga alshabaab oo dagaalna uu ka dhaxeeyo.
wararku waxay intaasi ku darayaan in hadii ay dhacdo in uu gudaha in uu usoo galo isku dayo Barre Hiiraale in aan laga baaqsan karin dagaal qaraar oo dhex mara isaga ciidanka uu wato iyo kuwa wadaadada hubaysa ee Alshabaab oo iyagu horey u haystay degamada Baardheere.
gabi ahaanba waxaa gabaabsi u muuqa ayaa la leeyahay dhaq-dhaqaaqa dadka iyo ganacsiga magaalada, iyada oo la dareemayo saan saan colaad ka qaraxda gudaha magaalada, taasi oo dadku deegaanku ay u arkaan halis ku soo fool leh.
muddooyinkii ugu dambeeyay qaybo kamid ah gobolada jubooyinka iyo gedo waxa ay dersi la ahaayeen guluf colaadeed oo u dhaxeeya dhaq-dhaqaaqa hubaysan ee Al-shabaab iyo ciidamada Barre Hiiraale kuwaasi oo ilaa haatan laga qabsaday magaalooyin istaraatiiji ah oo ay ku jirto Magaalada dekeda leh ee Kismaayo oo xarun u ah gobolka Jubada hoose oo haatan ay maamulaan wadaadada al-shabaab oo iyagu magacoodu uu soo sare kacay markii xoogagii maxaakiimta islaamiga ay dalka isaga carareen kadib dagaal looga adkaaday oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, dagaalkaasi oo ay kusoo qaaday ethiopia oo gacan ka helaysa dowladda taagta daran ee somalia.



del.icio.us
Digg
Comments (2 posted):
Post your comment