Home | News | Maamulka Obama oo ugu baaqay m/weynaha Sudan in uu isa soo dhiibo

Maamulka Obama oo ugu baaqay m/weynaha Sudan in uu isa soo dhiibo

Font size: Decrease font Enlarge font
image maqaal.com

Maamulka madaxweyne Obama ee dalka Mareykanka ayaa ka codsaday hogaamiyaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir in uu isu soo dhiibo maxkamada dambiyada dagaalka aduunka ee fadhigeedu yahay dalka Holland .

Codsigaasi ayaa soo baxaya saacado yar ka dib markii xeer ilaaliyasha maxkamada ogalaadeen soo jeedino eedeymo cusub oo ka dhan ah Al-bashiir oo ku aadan falal gumaad iyo xasuuq ka dhacay gobolka Darfor ee galbedka Suudan .

Arintaani waxa kale oo ku soo beegmeysay xiili Xukuumada Suudan ku eedeysay Maxkamada in ay ka shaqeyneyso in ay wiiqdo hanaanka doorashada madaxtinimo ee dhawaan ka dhaceysa dalkaasi Suudaan , iyadoo marmarsiyo loogu soo marayo in la xero madaxweyne Albasheer.

"Mr.Al-basheer waa in uu isu soo dhiibaa maxkakamada si dacwadaha loo soo jeediyay loogu qaaado", sidaa waxaa saxaafada u sheegay kaaliyaha xog hayaha arimaha dibada Mareykanka ee arimaha africa .

Madaxweyne Al-bashiir oo xilka dalkasi afgambi ku qabsaday in muddo ahna xukumayay ayaa haatan waxaa uu ka mid yahay murashaxiinta u taagan xilka madaxtinimo taasi oo qeyb ka ah doorashada dhawaan dhaceysa.

Marka loo eego sahrci ahaan dowlada Suudan kama mid ah dalalka saxiixay dhismaha maxkamada , iyadoo dowlada Mareykanka ee ka shaqeyneysa in Albasher la soo taago qudheeda saxiixin hishiiskii lagu yigleelay maxkamada.

Cisman Fantastic

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0