Diyaarad Helicopter ah oo jawi hoose ku duulaysa oo Maanta lagu arkay Xaafado ka mid ah Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Sh/hoose.
Diyaarad Helicopter ah oo jawi hoose ku duulaysa ayaa Maanta waxaa lagu dul arkay Xaafado ka mid ah Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Shabeelaha hoose. Diyaaradaani oo nuuceedu uu ahaa Helicopter-ka dagaalka ayaa saakay lagu dul arkayay Hawada sare ee Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Sh/hoose taasoo la sheegay in ay ku socotay joog aad u hooseeya. Diyaarada ayaa waxa ay cabsi balaaran ku abuurtay dadka ku dhaqan Magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose waxaana qaar ka mid ah dadka Magaaladaasi oo Shabelle la hadlayay ay sheegeen in baqdan xoogan ay galisay diyaaradaani. Macadda halka rasmi ahaan ay ka soo kicitintay diyaaradaani hase ahaatee dadka demada Marka ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in diyaaradaani ay ka soo dul kacday Markab dagaal oo maalmihii la soo dhaafay gaafwareegayay xeebta Magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose. Warar kale ayaa sheegaya in diyaaradaani ay raadsanayso kooxo burcad badeeda ah kadib markii maalmihii la soo dhaafay kooxahaasi ay laba jibaareen weerarada ay ku qafaalanayaan maraakiibta Shisheeye. Ma’ahan Markii ugu goreysay ee hawada Magaalada Marka lagu arkaa diyaarado jawi hoose ku duulaya kuwaasi oo intooda badan cabsi iyo qal qal ku beera dadka ku dhaqan Magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose.
Rate this article



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment