Home | News | Dadkii degganaa goobihii ay isku hor fadhiyeen ciidamada dowladda iyo kuwa ka soo horjeeda oo barakac billaabay.

Dadkii degganaa goobihii ay isku hor fadhiyeen ciidamada dowladda iyo kuwa ka soo horjeeda oo barakac billaabay.

Font size: Decrease font Enlarge font
image maqaal.com

Waxaa Maanta magaalada Muqdisho lagu arkayey dad u badan Qoysaskii fara kutiriska ahaa ee ku haray degmooyinka gobolka Banaadir oo ay isku horfadhiyaan dhinacyada isku haya Magaalada Muqdisho ayaa cabsi awgeed ugu cararay deegaanadooda.

Dadkan ayaa la sheegay inay ka cararayaan dagaalo cusub oo loo maleynaya inay ka dhacaan xaafadahooda, kadib markii mudooyinkii ugu dambeeyay hadalo kul kulul dhinaca warbaahinta ay isku dhaafsanayeen dhinacyada isku haya gudaha magaalada Muqdisho, islamarkaana dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay si wada jir ah u sameeyeen garabyada isku haya iska soo horjeeda ayaa laga dareemay degmooyin kamid ah gobolka Banaadir, waxaa ayna bilaabeen dadka danyarta ah ee ku haray degmooyinka gobolka Banaadir in ay ka barakacaan guryahooda.

Sidoo kale waxaa degmooyinka Hodon, Howlwadaag, Wardhiigley, Dayniile, iyo qeybo ka mid ah Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huruwaay ayaa maanta lagu arkayey dad fara badan oo ku sugnaa degmooyinkaasi ay isaga barakacayeen, kuwaasi oo sheegay in ay ka cabsi qabaan in dagaalo xoogan mar kale gudaha magaalada Muqdisho ay ku dhexmaraan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa midowga Africa oo dhinac ah iyo xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam oo gees ah.

Dhanka kale Haweenay ka mid ahayd dadkii ka barakacayey degmada Huriwaa ayaa waxay u sheegtay qaar ka mid ah Warbaahinta ka howlgesha magaalada Muqdisho in ay dareentay cabsi ku aadan in dagaalo ay ka dhacaan gudaha Magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka ay deggan tahay.

Ayaamahanba waxaa socday hadallo badan oo ka soo baxayey qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta dowladda KMG, in dowlada KMG ay diyaar u tahay in weeraro ay ku qaado goobo ay gacanta ku hayaan dhinacyada ka soo horjeeda dowladda KMG oo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee laga dareemay Maalmihii ugu dambeeyay goobaha ay isku horfadhiyaan dhinacyada isku haya Magaalada Muqdisho iyo hadalada ka soo baxaya labada dhinac ayaa waxaa laga dareemay gudaha magaalada Muqdisho, inay jiraan Abaabul dagaal, waxaana Warbaahinta magaalada Muqdisho si aad ah loogu dhegeystaa hadalada ay is dhaafsanayaan, taas oo xaaladda ka sii dhigeysa mid cakiran Maadaama qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ay ku hareen dad danyar ah oo iyagu aan awoodin in ay ka barakacaan madaafiicda iyo rasaasta ay is weydaarsadaan dhinacyada isku haya gudaha Magaalada Muqdisho.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0