Duqeymo geystay Dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah oo maanta loo geystay Xaafadaha degmooyinka Waqooyi ee Magaalada Muqdisho.
Duqeyn sababtay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta waxaa lagu garaacay Xaafadaha Waqooyi ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku noolyihiin dad fara kutiris ah oo ka haray dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho. Inta la ogyahay 2 ruux ayaa ku geeriyooday ku dhawaad 10 kalana waa ay ku dhaawacmeen duqeyntaasi kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah kadib markii madaafiicdii halkaasi lagu garaacay ay ku habsadeen meelo ay ku sugnaayeen. Saraakiisha gaadiidka gurmadka deg deg ah oo Shabelle ay la xariirtay ayaa waxaa ay sheegeen in ay qaadeen ilaa 7 ruux oo ku dhawacantay degmooyinka Boondheere iyo Yaaqshiid halkaasi oo ilaa dhowr Madfac ay ku habsadeen. Dadka dhaawacmay ayaa waxa loola cararay isbitaalada waaweyn ee magaalada Muqdisho sida Keysanay Deyniile iyo Madiina halkaasi oo ay horay ugu buuxeen dhaawacyo kale oo ku waxyeeloobay duqeynta joogtada ka noqotay Magaalada Muqdisho. Waxaan ilaa iyo hadda la ogeyn waxyaabaha dhaliyay duqeynta hase ahaatee duqeynta aan dagaalka la socon ee inta badan ka dhacda Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ka dambeysa marka weerar madaafiic ah lagu weeraro xarumaha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho taasoo dhalisa in Madaafiic jawaab ah lagu soo rido nawaaxiga halka laga soo duqeeyay.
Rate this article



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment