Home | News | Midowga Yurub oo qiray in iyaga iyo NATO aysan awood u laheyn in ay nabada ku soo caliyaan Soomaaliya xitaa hadii ay adeegsadaan awood militari.

Midowga Yurub oo qiray in iyaga iyo NATO aysan awood u laheyn in ay nabada ku soo caliyaan Soomaaliya xitaa hadii ay adeegsadaan awood militari.

Font size: Decrease font Enlarge font
image maqaal.com

Ururka Midowga Yurub ayaa maanta qiray in iyaga iyo NATO aysan awood u laheyn in ay nabada ku soo caliyaan Soomaaliya xitaa hadii ay adeegsadaan awood militari. Wasiirka arimaha dibada ee wadanka Spain oo islamarkaana ah madaxa siyaasadda ee arimha dibadda ee midowga Yurub Meekawiil Mishal ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo isbaheysiga NATO aanay awood u laheyn in ay nabad ku soo celiyaan wadaka Soomaaliya xitaa hadii ay isticmaalaan awood militari. Isagoo ka hadlayay shir looga hadlayay arimaha amaanka iyo nabad galyada ee caalamiga ah oo ka dhacay magaalada Munich ee wadanka Jarmalka  ayaa wasiirka arimaha dibadda ee wadanka Spain waxaa uu carabka ku adkeeyay in amaanka qaarada Yurub uu ku xiranyahay dalalka deriska la ah ee ku yaala  qaarada Africa iyo gobolka bariga dhexe. Mar uu soo hadalqaaday arimaha burcad badeeda Soomaalida ayaa waxa uu sheegay Mr. Meekawiil Mishal in falalka ay kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay ka wadaan xeebaha wadanka Soomaaliya ay sii laba lixaadsanayaan taasoo uu sheegay in ay sabab u tahay xaalada cakiran ee wali ka taagan dhulka Soomaaliya. Waxaa uu meesha ka saaray in xiligaan aan awood militari lagu raadin Karin xalka Soomaaliya isagoo tilmaamay in awood militari oo loo adeegsadaa Soomaaliya ay keeneyso in xaaladu ay ka sii darto. Hadalkani ka soo yeeray  wasiirka arimaha dibadda ee dowlada wadanbka Sapin  ayaa daba socda hadal dhawaan ka soo yeeray mid kamida saraakiisha ciidamada badda ee midowga yurub oo ahaa in midowga Yurub aanay kaligiis xal ka gaari karin arimaha burcad badeeda Soomaalida ee ragaadisay xeebaha wadanka Soomaaliya. Dhawaan ayay aheeyd Markii ra’iisul wasaaraha wadanka Spian Luwis Sabateero uu sheegay in xalka Soomaaliya lagu keeni karo Awood militari oo loo adeegsado dhanka Barriga.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0