Home | News | Dowladda KMG oo sheegtay in qaar ka mid ah dalalka Carabta iyo Yurub ay kala hadashay joojinta Xaalufinta dhirta iyo Kiimikada lagu shubo biyaha Soomaaliya.

Dowladda KMG oo sheegtay in qaar ka mid ah dalalka Carabta iyo Yurub ay kala hadashay joojinta Xaalufinta dhirta iyo Kiimikada lagu shubo biyaha Soomaaliya.

Font size: Decrease font Enlarge font
image maqaal.com

Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dalalka Carabta iyo Yurub ay kala hadashay joojinta Xaalufinta dhirta iyo Kiimikada lagu shubo biyaha Soomaaliya. Wasiirka Bii’ada dowladda KMG ee Soomaaliya Burci Max’ed Xamsa oo ka hadlayay tababaar maanta loo furay shaqaalaha wasaarada dowlada KMG ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay heshiisyo ay la soo galeen wadamada Yurub iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta. Waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah dalalka Caalamka ay kala hadleen sidii loo jooji lahaa wasaqda iyo Sunta Kiimikada ee lagu shubayo biyaha Soomaaliya taasoo uu sheegay in ay ku shubaan wadamo badan oo ka tirsan Qaarada Yurub gaar ahaan kuwa leh warshadaha Caalamiga. Sidoo kale waxaa uu sheegay Wasiirka Bii’ada dowladda KMG in qaar ka mid ah wadamada Carabta ee loo dhoofiyo dhuxusha lala raro Xeebaha Soomaaliya ay kala hadleen sidii ay kala shaqeyn lahaayeed dowladda kMG ka hortagida  Xaalufinta lagu hayo dhirta Soomaaliya. Ugu dambeynta waxaa uu sheegay Burci Max’ed Xamsa wasiirka Bii’ada dowladda KMG in lagama maarmaan ay tahay sidii ganacsatada Soomaaliyeed iyo Ururada Bulshada rayidka ay dowlada KMG gacan uga siin lahaayeen sidii looga hortagi lahaa Xaalufinta lagu hayo dhirta ka baxda gobolada Soomaaliya. Hadalka wasaarada arimaha Bii’ada dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa imaanaya xili la sheegay in Xaalufin ba’an lagu hayo dhirta Soomaaliyeed ee ka baxda qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya iyadoo Maamulada qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliyana ay ka soo horjeesteen in la jiro dhirta ka baxda goboladaasi. Qaar ka mid ah dadka qiimeeya Xaalada dalka Soomaaliya ayaa horay u sheegay in Sunta iyo wasaqda wadamada Reer galbeedku ay ku daadinayaan biyaha Soomaaliya ay halis ku tahay xaalada dalka Soomaaliya iyagoo sheegay in ay sabababi karaan in dad badan ay ku dhacaan cuduro aan daawadooda  lahelin.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0