Home | News | Maleeshiyaad kasoo goostay Xisbul Islaam oo dowladda usoo galay

Maleeshiyaad kasoo goostay Xisbul Islaam oo dowladda usoo galay

Font size: Decrease font Enlarge font
image maqaal.com

Maleeshiyaad kor u dhaafaya 10 oo kasoo goostay kooxda Xisbul Islaam ayaa maanta usoo galay dowladda, waxaana maleeshiyaadkani iyo xubno ka tirsan dowladda ay shir jaraa`id ku qabteen xarunta wasaaradda warfaafinta ee magaalada Muqdisho.

Wiil yar oo aan wali qaan-gaarin ayaa ka mid ahaa maleeshiyaadkani, wuxuuna la hadlay saxaafadda isagoona sheegay in ay ka mid ahaayeen maleeshiyaadka Xisbul Islaam ee ka dagaalameysay deegaanka Howl Wadaag ee magaalada Muqdisho.


Wasiirka arrimaha gudaha Somaliya Sh. C/Qaadir Cali Cumar oo goob joog ahaa goobta shir jaraa`idka ku qabteen maleeshiyaadkani ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo ka towbad keeneysa dhibaateynta shacabka, wuxuuna dhalinyarada wali dagaalada wada ugu baaqay in ay fahmaan cida ay la dagaalayaan iyo waxa ay ku dagaalamayaan.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay wasiiru dowlaha madaxtooyada Xassan Macallin iyo C/raxiin Ciise Cadow, waxeyna iyana soo dhaweeyeen talaabada geesinimada leh ee ay qaadeen dhaliyaradan.


Wiilka yar ee da`diisa lagu sheegay 12-jir ayaa sheegay in uu tababarro ku soo qaatay deegaan duureedka loo yaqano badda madow oo ku yaala gobolka Jubada Hoose, wuxuu qiray in rag ajnabi iyo Soomaali isugu jira ay tababaro sida dadka loo gowraco ay ka mid tahay ay ku siiyeen, isagoo sheegay in markii hore ay maleeshiyadu cirbad daroogo ah ku dureen.

Wasiirka arrimha gudaha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in canug aan wali qaan gaarin loo adeegsado dagaalo, taas oo uu ku tilmaamay in ay ka hor imaanayso Diinta Islmaaka, qawaaniinta caalamiga ah iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0