CIYAARI WAA GELLIN DAMBE
Somali United
Toronto July 3,2008. Ciyaartii furitaanka ee tartanka Somali Week 2008 ayaa waxaa isaga hor yimid kooxda Somali United ee reer Toronto iyo kooxda Juniors oo iyada ka socotay waddanka Ingriiska. Ciyaartan oo aad u xiiso badnayd, ayaa waxaa durbadiiba fir fircooni garoonka la soo galay kooxda Juniors oo halkaasi gool kaga naxsatay kooxda United. Qeybtii hore ee ciyaartana waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hogaamineyso Juniors. Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa United weerar aan kala go' laheen ku soo qaaday goolka Juniors iyadoo ay halkaasi ka dhaliyeen laba gool oo is daba joog ah. Goolkii labaad markii ay dhaliyeen kooxda United ayaa taageere ka mid ah taageerayaasha kooxdan intuu saaxibkii oo ak fadhiyay ku soo jeestay ayuu ku yiri: Saaxib waan ku sheegay CIYAARI WAA GELLIN DAMBE!!!. Gabagabadii ciyaarta ayaa lagu kala hooyday Somali United 2-1 Juniors.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment