Home | Sports | Tababare faris,Gudomiye Nuraye iyo Safirka somalida u fadhiyo kenya

Tababare faris,Gudomiye Nuraye iyo Safirka somalida u fadhiyo kenya

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Tababare Abdalla Salah oo ku magac dheer Faris ayaa koobkii Somali Week ku guuleestay 7 jeer isagoo ka tirsan ciyaartooyda kooxda Banadir. Halka sannadkana uu koobkii 8aad ku qaatay isagoo tababaraha Banadir ah. Faris waa ciyaartooyaga keliya ee tartanka Somali Week ka dhaliyay 9 Gool. Sannadkan ayaa ugu soo dhawaa in laga daba yimaado balse ciyaartooygii ku guuleestay tartanka dhaliyeyaasha wuxuu dhaafi waayey 8 gool. Faris wuxuu sidoo kale laba jeer ku guuleestay MVP. Waxaa xusid mudan in kooxda Banadir koob ay qadaan ugu dambeeysay sannadkii 2005. Faris wuxuu ciyaaraha ka fariistay 2003.Muddadii uu Faris ciyaaraha ka maqnaa Banadir hal jeer oo keliya ayay ku guulesteen koobkan. Iyagoo ciyaarta Finalka ay Windosr kaga badiyeen rigooreyaal (Penalty).Shan sanno kadib ayaa Guddoomiyaha kooxda Bandir Nuuraaye is yiri bal Faris ku tijaabi inuu tababare isagoo ah koobka noo soo celin doono. Go'aankan uu qaatay Guddoomiye Nuuraaye kuma qasaarin waayo Tababare Faris ayaa kalsoonidii guddoomiyaha ugu abaal gudday inuu Banadir mar kale koobka u soo celiyo. Dhamaadkii ciyaarta finalka ayaa taageereyaasha Banadir iyagoo aad u faraxsan ku dhawaaqayeen ereyo ay ka midka yihiin: FARIS ARAGTAYAA KOOB ARAGTAYAA. FARIS SUPER STAR. FARIS SUPER STAR

 

 

 

 

 

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0