Home | Sports | Tartankii K/kolayga ee EuroSom oo ay ku guuleeysatay kooxdii CARDIFF

Tartankii K/kolayga ee EuroSom oo ay ku guuleeysatay kooxdii CARDIFF

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Tartankii kubadda Koleyga ee EuroSom ayaa lasoo gabagabeeyey, tartankana ayaa waxaa ciyaartii finalka aheyd isaga horyimid labada kooxod ee kakala socdey Cardiff oo Weliska ka timid iyo Toronto oo Canada ah.

Ciyaartan ayaa waxaa ay aheyd ciyaar aad u xiiso badneeyd oo ay dadbadan usoo daawasho tageen, ciyaartan ayaa inta aysan bilaaban waxaa lagu tartamay shootka sedexda dhibcood, waxaa halkaas ku qaadey inankii ka socdey Cardiff.

 erosombasket2_199521972.jpg
Ciyaartii ayaa bilaabatay wixii qolaba mar ay hogaamiso ugu danbeeyntii ayaa waxaa kooxdii Cardiff ay ku guulaysatay 55 dhibcood halka kuwa Canadana ay keeneen 45 dhibcood. Labadan kooxood ayaa dhalinyaraddii u ciyaarayey waxaa ay ahaayeen kuwo mustaqbal kuleh ciyaarta kubadda koleyga.

Waxaa macalimiin u ahaa labada kooxood kooxdii Cardiff cabdulle xirsi cabdulle halka kooxda Canadana Axmadey maxamed Abuukar (Axmdeey B).

 erosombasket3_758673477.jpg
Tartanka kubadda koleyga ee Eurosom ayaa waxaa qabanqaabadda iska lahaa labada mas’uul ee ka tirsan xiriirka kubadda koleyga Mudan Ing.Baana oo ah gudoomiye kuxgeen Horumarinta iyo macalinka qaran kubadda koleyga Omar anyeelo.

Waxaa daawasha ciyaartan kasoo qayb galay Gudoomiye kuxigeenka GOS Duran,Gudoomiya Eurosom Maxamed Diini Farah,Garsoore Caalami aha Maxamed Farah, Prof.Musse Naasir,Muridi Zein,Tababare Bashiir Abdi Daahir, Sabriye A.Gaabow,Biini,Gudiga Fulinta Eurosom Maxamuud iyo Loolow, Laacibka weyn ee Biriq, Abdiaziz Godah Barre.

 erosombasket4_866177874.jpg
Ciyaartoydii cuslaatay oo manta soo bandhigey ciyaar wanaagsan.

Ciyaar aad iyo aad u xiiso badan ayaa waxaa aay ka dhacday dhalinta cuslaatay ee reer Lecister iyo Lacibiinta Eurosomta cuslaatay. Ciyaartaa oo u dhacday si aad u khurux badan waxaa garsoore ka ahaa garsoore Mohamed Farah.Ciyaarta oo aheed mid kulul ayaa waxaay ku dhamaatay 2-3 oo aay ku guuleey satay kooxda Eurosomta cuslaayKabtanka kooxda Eurosom cuslaatay oo wacdaro ka muujiyay garoonka prof Muuse Naasir oo watay nr 4.

Dadweeynihii ka soo kheebgalay ayaa ku khancay goolasha khuruxda badan eey kala dhaliyeen labada koox.Goolashaas ayaa waxaa ku hormaray kooxda Eurosom waxaana u dhaliyay Laacibka u watay nr 10 Duraan Faarah oo dhaliyay gool aad u khurxan, dhoor dakhiiqo kadib ayaa waxaa kooxda Lecister heshay goolkii barbar dhaca oo asna aad u khurux badnaa goolka oo uu dhaliyay laacibka u watay 14 Abdiqani .Ciyaartaa ayaa ku dhamaatay 1-1 kheebtedi koowad.


Markii leey sugu soo laabtay ciyaarta kheebteda labaad oo aay heshay gool kooxda Lecister waxaa u dhaliyay isla laacib Abdiqani.Dhoor daqiiqo kadib ayaa towbare Looloow oo watay kooxda Eurosomta cuslaatay badalay laacib Biriq oo uu ku badalay Mohamed Diini oo u suurto gashay in uu dhaliyo goolkii barbar dhaca kooxda Eurosomta cuslaatay.Ciyaartaa oo noqotay mid weerar iyo weerar celis ayaa waxaa aay u suurta gashay in aay dhaliyaan goolkii guusha Eurosomta cuslaatay goolkaa oo uu dhaliyay Lacibka badalka ugu soo galay Diini .Markii uu ciyaarta dhameyay arbiitaro Mohamed Farah ayaa waxaa si farxad leh isku salaamay labada koox.

Towbare looloow oo aay farxad ka muukhatay ayaa u mahad celiyay lacibiinta Eurosomta cuslaatay kadib markii aay ugu sacba tumeen shakhada wanaagsan iyo taktiiga cusub ee uu sameeyay ee horseeday guusha kooxda Eurosomta cuslaatay.Waxaa xirfad aan looga baran ka muujiyay garoonka laacib Omar Aanyeelo oo lagu yaqiin basketka.Waxaa uuna nokhday laacibka ciyaarta.


Waxaa xusid mudan in aan xasuusanay berisamaadkii markii Garsoore M.Farah iyo Muridi Zein ay garsoorayaal ka ahaayeen ciyaartii maanta.

11:21 PM 7/29/2008

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0