TARTANKII KUBADDA KOLAYGA SSIFO 2008 OO SI HABSAMI LEH KU BILOWDAY
Waxaa si farxad leh ku bilowday xalay oo bishu ahayd 11/08/2008 tartankii kubadda kolayga SSIFO 2008 oo ay ka soo qayb galeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo aad mustaqbal fiican u leh. Tartankaas oo lagu qabtay garoonka bilicda san ee Capital City Academy, Doyle Gardens, oo ku yaal xaafadda Willesden oo ah W/Galbeed London.
Tartankan ayaa waxaa sanadkan isku soo duba riday ururka SSIFO ( Somali Sports & International Friendship Organisation) qaybtooda ku sugan dalka UK. Balse ay ka soo qayb galeen dhamaan xubnaha kale ee ururka oo fadhigoodu yahay Maraykanka,Canada,UAE iyo wadamada Europe.
Tartankan ayaa waxaa ka soo qayb galay isku dar ilaa iyo 13 kooxood oo isugu jira yar yar iyo waawayn Gabdho iyo Wiilalba leh. Tartanka oo mudo hal asbuuc ah lagu wado in uu socon doono ayaa xiritaankiisu yahay 20-ka August 2008.
Hadaba xafladii furitaanka ayaa waxaa halkaasi isugu yimid dadwayne aad u fara badan oo nooc walba lahaa iyo dhammaan
ciyaaryahannadii hore ee Soomaaliyeed ee kubadda koleyga,Tababarayaashii, Garsoorayaashii iyo masuuliyiinta isboortiga oo qaybo badan lahaa.
Qudbo gaaban ka dib ayaa waxaa kooxihii cayaarayay ay garoonka la soo galeen maro aad u wayn oo ka samaysneed calankii Somaliya ee midabka baluuga ah lahaa, xidigta cadna dhaxda kaga tiil. Taas oo daawadayaashii garoonka soo camiray hal mar u wada sara istaageen, si qiiro lehna bilaabay heestii salaantii calanka oo ahayd “Qolobaa calankeed duu waa caynoo, inagaa keeni waa cirkoo kale ee, aan caadna lahayn ee caashaqa ee……”.
Salaantii calanka kadib waxaa hal mar garoonkii ku soo xoomay, oo looga wacay dhamaan cayaar yahanadii hore ee sumacad iyo sharafta wayn ku lahaa dalkeenii, kuwaas oo gacan geliyay dhalin yaradii da'da yareed ee u diyaarka ahayd in ay cayaaraan.
Waxaa mar qura garoonkii sidoo kale buuxiyay wariyayaashii dhamaan idaacadaha, TV-yada oo dhan haday ahaan lahaa yeen Universal TV, warsan iyo Raad. Waxaa kaloo joogay dhamaan maamulka website yada ka faaloodo Sports-ka.

Waxaa lagu casuumay in uu cayaartii furo kubadana shabakada ku hubsado Mohamed Farah Ahmed (Dab damis). Kadibna waxaa cayaartii koowaad lagu bilaabay kooxda (Youth) ka Cardiff Vs Canada.

Cayaartaan oo runtii ahayd cayaar aad u xiiso badan ayaa kooxda Canada waxay wateen cayaar yahano aad u da'yar, dadkuna saadaalinayeen in ay badin doonaan kooxda Cardiff. Balse markii cayaartii bilaabatay wax walba waa is badeleen, cayaar yahanadii lagu tilmaamay in ay ka da yar yihiin kuwa Cardiff ayaa runtii muujiyay fir fir cooni iyo xirfad aad u wanagsaneed, waxaana taba bare u ahaa Daa'uud Ahmed Mohamed (Daa'uud dheere).

kooxda Cardiff oo ka timi woqooyiga Ingiriiska oo ah koox aad u diyaarsan dhan abaabul. Cayaar yahanada u safnaana ay kala ahaayeen Mahad, Aron,Berry, Abdullahi, Hassan, Mohamed Jama, Shaafici, iyo Csaaq, waxaa ka muuqatay firfircooni iyo kalsooni. Kooxda Kanada oo kala ahaa Liibaan Siyaad(Guled), Hassan Yasin, Cabdisalaan Cumar, Isaq Cali, Kamaal, Mahad M. Faarax, Xuseen Cabdi (Future), iyo Mustaf Maxamed waxaa dadku iswediinayeen sida ay isaga celinayaan kooxda Cardiff.
Markii Ciyaartu bilaabatay waxaa bilawday weerar iyo weerar celin waxaana la ilaaway cida da'weyn iyo cidda da' yar waxay u magan gashay farsamo iyo inta qofba rabo inuu guuleysto. Waxaa labada kooxoodba soo bandhigeen farsamo aad u heer saraysa waxaase ugu dambayntii guushu ku raacday kooxdii Canada oo ku gacansaraysay dhibic markii Xuseen yare dhamaadkii dhaliyey goolkii ciyaarta ugu dambeeyey.
Waxaa dadweynuhu aad ugu riyaaqeen qaab ciyaareedkii labada kooxood waxaana dadaal dheeraad ah muujiyey Xuseen iyo Libaan dhanka Canada, dhinaca Cardiff waa aad u dadaalay 8 Maxmed Jaamac iyo Mahad Cabdi. Ciyaartu waxay guushii ku raacday hal dhibic 53 dhibcood kooxda Canada, halka kooxda Cardiff-na ay keensadeen 52 dhibcood.
Mar aynu waraysanay macalinka kooxda Cardiff Cabdulle Xirsi, ayuu noo sheegay in kooxdiisu ay aamin sanaayeen in ay ka badin karaan kooxdaan maadaama ay ka waayo arag san yihiin, tan xigta cayaar yahanka usoo qaado kooxda kubadda Mahad yare oo nombarka 1aad watay uu dhaawac ku dheelayay cayaarta. Balse isku soo duub wuxuu yiri waxay ahayd qaladkeena in aan intaas isla soo gaarno, hadaan u qiro dadaalkooda waa u qalmeen kooxda Canada in ay badiyaan maadaama ay si aad ah u dadaaleen.
Cayaar yahanka Xiddiga garoonka ahaa ayaa laysku raacay in uu ahaa Nombarka 10aad kooxda Canada oo lagu magacaabo Xuseen (future).
Cayaartii xigtay ayay ciyaareen kooxaha London Vs Switzerland (Youth) waxaana muuqatay in kooxda London lahayd diyaar garow sare maadaama gurigooda tartanka lagu qabanayo. Kooxda Switzerland oo ay ku jireen ciyaatoy aad u farsamo fiican waxaa muuqatay in mustaqbalka ay wacdaro dhigi doonaan Ciyaarta qaybteedii hore waxaa si aad ah u hormaray kooxda London waxaase qaybtii dambe soo kululaaday kooxdii Switzerland. Dhanka ciyaartoyda waxaa la oran karaa kooxda London ma kala dhicin waxaase aad u caaboonaa 13 Cabdisabuur, 14 Abdul iyo Cali dhanka kale waxaa la oran karaa in 7 Liibaan Ciise uu ahaa xiddiga garoonka Xalay. Ciyaartii wexey ku dhamaatay kooxdii London oo ku guuleysatay 83 Switzerland 67.
Cayaartii seddaxaad ee ugu danbaysay habeenkii furitaanka ayay wada cayaareen kooxaha London Vs EUROMIDLANDS oo ahaa(Seniors) ka.
Ciyaartaan oo ay isku soo aruursadeen rug cadaaga ama dhalinta cuslaatay ayaa waxaa ku kulmay London iyo koox metelaysey Europe iyo Midlands (EOROMIDLANDS). Waxaa labada kooxoodba ku jirey ciyaartoy laga yiqiin Dalkii hooyo Soomaaliya sida Cabdulqaadir Biina, Cabdullahi Cali, Cabdulle Xirsi, iyo Cali Gacmodheere oo u safnaa EM dhanka kalena Muriidi Yawali, Abuukar, Cabdixakiin, Garweyne, Wadani, Cali Gurey, Cabdijabaar Iimaan, Cabdiqani Jeenyo iyo Axmed Bile.
Ciyaartoyda oo u muuqatay iney isku awood yihiin waxaa saanta isla helay kooxdii London qaybtii hore halka kooxdii EM ay muujisay dardar dhalisayna in ka badan London qaybtii labaad waxaase guushii la hoyday London oo ku guulaysatay 57 halka EM lahayd 41.
Waxaa lagu wadaa in manta oo Talaado ah 12-ka August ay fooda is daraan kooxaha:
Cardiff Vs U S A | 15:00 |
Maamulka ururka SSIFO ayaa wuxuu u mahad celinayaa dhamaan daawadayaashii ka soo qayb galay tartanka oo si sharaf iyo farxad leh ku dhamaystay daawashadoodii ayadoo ay xagga amaankana ay naga caawiyeen Booliska xaafadda Acton. Natiijooyinka cayaarahan maaanta ayagana berito ayaan idiin soo gudbin doonaa haduu Alle idmo.
Sawirada xafladda badankooda kala xiriir website-ka ururka www.ssifo.com
Waxaa soo diyaariyey
Xoghayaha ururka SSIFO
Maxamed Shiekh Abdi (Weli)
Edit By Daud A Dheere



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment