NORTHERN STARS OO KU GUULEYSATAY KOOBKII 26KA JUNE
Home| June 28, 2008
NORTHERN STARS OO KU GUULEYSATAY KOOBKII 26KA JUNE
Northern Stars
Toronto June 27,2008. Waxaa maanta ciyaar aad u xiiso badan ay dhex martay kooxaha Iftin iyo Northern Stars. Labadan kooxood ayaa u tartamayay koob loogu talo galay munaasabadda 26ka June oo ku aadan sannada guuradii 48aad ee ka soo wareegtey markii Somaliland gobanimadeedii ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska, sannadkii 1960. Ciyaartan ayaa waxay ku bilaabantay jawi aad u qurux badan iyadoo labadii kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar ay aad ugu riyaqeen dadweynihii ka soo qeybgalay. Qebtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa ku gacan sareeyay kooxda Iftin iyadoo lagu kala nastay Iftin 2-1 Northern Stars. Intii lagu jiray nasashadii ciyaarta ayaa tababare Khalid iyo Yonis ay kooxdooda u sheegeen qaladaadkoodi iyagoo kula soo taliyay iney ciyaarta wax ka beddelaan. Haddaba qeybgtii labaad ee ciyaarta ayaa kooxda Northern Stars ay weerar aan kala go laheen ku qaaday goolka Iftin taasi aoo keentay iney daqiiqado yar gudaheeda ku keenaan goolkii bar bar dhaca. Kooxdan bar bardhac kuma qancin ee weerarkoodi ayay halkii ka soo wadeen iyagoo laba gool oo kale shabaqa ku hubsaday sidaana ay kooxda Northern Stars ay 4-2 guusha ku raacday koobkiina la hooyatay.
W/D Mohamed Busuri
Mbusiri@xiddigaha.ca



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment