Home | News | Cabdullaahi Yuusuf iyo Nuur Cadde oo hishiis ku sixiixay xarunta Midowga Africa ee Ethiopia

Cabdullaahi Yuusuf iyo Nuur Cadde oo hishiis ku sixiixay xarunta Midowga Africa ee Ethiopia

Font size: Decrease font Enlarge font
image maqaal

ADISABABA: 26 Aug 2008 (maqaal):  Wararka laga helayo magaalada Adisababa ee xarunta wadanka Ethiopia ayaa sheegaya in madaxda sare ee dowladda KMG ah ee Somalia ay hishiis lagu soo afjarayo khilaafkii u dhaxeeyay ay ku kala sixiixdeen xarunta midowga africa ee magaalada Adisebaba ee wadanka Ethiopia, sida laga helayo ilo wareedyo ku sugan goobta sixiixaasi uu ka dhacay maanta.

kadib dadaal dheer iyo wada hadalo aan loo kala harin oo dhex maray madaxweynaha Cabdulaahi Yuusuf iyo Ra'iisul wasaaraha Nuur Cadde oo ay dhex-dhexaadiyayaal ka ahaayeen Midowga Africa iyo Dowladda Ethiopia ugu dambeyn waxaa laga gaaray heshiis ayaa lagu yiri hadal kooban oo shirkaasi kadib soo baxay oo saxaafada ethiopia ay baahisay.

goobta heshiiska waxaa goob joog ka ahaa madaxda midowga africa, Ethiopia iyo diblomaadsiyiin ka socday beesha Caalamka, iyada oo madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha ay siyaabo kala gooni ah u sheegeen in ay ka xunyihiin khilaafkii soo kala dhexgalay waliba waqtigan oo wadanku uu marayo marxalad u baahan in la samatabixiyo.

warar ku dhow xafiiska madaxweynaha ayaa sidoo kale tibaaxay in lagu heshiiyay in maamulka gobolka loo madax banaaneeyo in ay si xor ah usoo doortaan degmooyinka gobolka Banaadir, isla markaana la kordhiyo tirada golaha wasiirada oo awal ahaa 18 lagana dhigo 23 wasiir, iyada taa bedelkeedana madaxweynaha uu u madax banaaneeyo ra'iisul wasaaraha howsha xukuumaddiisa iyo hanaanka dib u heshiisiinta ee uu wado.

ka qayb galayaasha shirka waxay sidoo kale ku booriyeen madaxda dowladda in ay ka dhabeeyaan heshiiska ay la galeen mucaaradka iyaga oo ugu baaqay in ay u istaagaan badbaadinta dadka tabaaleysan ee colaaduhu ay ku habsadeen.

heshiiska ayaa waxa uu kusoo beegmay markii todobaadyo ay halkaasi ku sugnaayeen madaxda dowladda sida madaxweynaha. ra'iisul wasaaraha iyo afhayeenka barlamaanka, waxana uu kusoo beegmayaa heshiiskan iyada oo dowladda ethiopia dhawaan warbixin ay soo saartay ay raja beel kaga muujisay gadi socodka nabadda somalia, muujisayna in ay nasiib daro tahay waqtigan in ay is khilaafaan madaxda sare ee dowladda FS.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0